You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kawaanleeyda Faransiiska iyo 'mintidiinta' hilib diidka maxaa kala haysta?
Kawaanleeyda dalka Faransiiska ayaa warqad u qoray dowladda Faransiiska oo ay ka codsadeen in ay ka difaacdo koox mintid ah oo ka so horjeedda in hilibka xoolaha la cuno.
Waxa ay Kawaanlayaasha ku eedeeyeen kooxdan in ay isku dayayaan in la xiro goobaha hilibka lagu iibiyo ayna joojiyan dhaqankii ku salaysnaa hilib cunidda.
Goobaha hilibka lagu iibiyo ayaa waxaa roobka looga dhigay dhagxaan islamarkana qaarkood waxaa lagu qoray qoraalo looga soo horjeedo hilibka, waxaa sidaasi sheegay ururka ay ku bahoobeen Kawaanleyda.
Bilooyiinkii ugu dambeeyay 15 dukaan oo ah kuwa hilibka lagu iibiyo ayaa waxaa lagu daadiyay wax u eg dhiig.
Madax ururka ay ku bahoobeen Kawaanleyda Jean-François Guihard ayaa ku sheegay warqadda uu dowladda u qoray in weerarada noocan ah ay yihiin qayb ka mid ah argagixisada.
"Waa argagax ay dadkan doonayaan in ay fidiyaan taasi oo ay ku doonayaan in guud ahaan dhaqanka Faransiiska ay ku baab'iyaan ," ayaa warqadda lagu xusay.
Dadka ka so horjeeda cunidda manaafacaadka xoolaha waxa ay doonayaan "in ay ku soo rogaan dadka hab noolaleedkooda ama fikirkooda ".
Dadka ka so horjeeda cunidda hilibka ayaa tiro yar ka ah dalka Faransiiska.
Daraasad la sameeyay 2016 ayaa muujinaysa in ay dalkaasi ka yihiin dadka cunidda hilibka ka soo horjeeda 3%.
Kawaanleeyda ayaa kaalin sare kaga jira hiddaha Faransiiska , balse dhacdooyiinka noocan oo kale ah ma aha kuwa ku cusub waxaa sidaasi sheegay wariyaha BBC ee Paris Lucy Williamson.
Dadka dhaqda xoolaha ayaa waxay dowladda madaxwayne Emmanuel Macron in uu qaato tallaabooyiin looga hortagayo dadka ka soo horjeeda hilibka.
Waxaa la diiday Hindisa sharciyeed horey loo keenay baarlamaanka dalkaasi oo ah in todaabkii hal mar iskuulada ardayda la siiyo khudaar aan wax hilib ah lahayn.