You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Murankii ka taagnaa Magaca dalka Macedonia oo la soo afjaray
Rai'sul wasaarayaasha Gariiga iyo Macedonia ayaa ku heshiiyay magac cusub oo uu yeelanayo dalkii horey uga tirsanaan jiray Yugoslav.
Dalka Macedonia ayaa imika lagu magacaabi doonaa Jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia si loo kala saaro oo aysan isugu ekaan magaca gobol ku yaala Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia.
Labada dal ayaa arrintan ku muransanaa tan iyo intii Macedonia xor noqatay ka dib dagaalkii Balkaniska ee dhamaaday 25 sano ka hor.
Rai'sul wasaaraha Macedonia, Zoran Zaev, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu dhowrayo tusmada dhaqanka iyo qoomiyadaha dalkiisa.
Magacan cusub ee jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia ayaa imika loo qaadi doonaa afti qaran.
Dowladda Gariiga ayaa in muddo ah diidanayd magaca Macedonia maadaama gobol Gariiga ka tirsan sidoo kale lagu magacaabo Macedonia .