You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Afghanistan oo xabad joojin ugu baaqday Taalibaan
Dowladda Afghanistan ayaa shaaca ka qaaday in heshiis xabad joojin oo ku meel gaar ah ay la galayso ururka Taalibaan balse waxay sheegtay inay si wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha kale.
Madaxweyne Ashraf Qaani wuxuu sheegay in heshiiska xabad joojinta ee toddobaadka qaadanaya uu kusoo aadaya dabayaaqada bisha Ramadaan iyo ciidda balse Taalibaan kama aysan hadlin heshiiska loo soo jeediyay.
Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ururka Taalibaan diideen in wadahadallo ah qarsoodi ah ay la qaateen xukuumadda Afghanistan.
Kumanaan shacabka reer Afghanistan ayaa lagu dilay dagaallada tan iyo intii ciidamada Mareykanka ay howlgal ay kaga soo horjeedaan Taalibaan ka billaabeen dalkaasi sanadkii 2001-dii.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii la weeraray goob ay isku yimaadeen culimo dalkaasi, waxaana culimada ay soo sareen Fatwa ay ku cambaareynayaan weerarkaasi.
Madaxweyne Ashraf Qaaani wuxuu sheegay in dawladdiisa ay taageeri doonto culimada ka shaqaynaya nabadda iyo xasiloonida Afghanistan
Heshiiska xabad joojinta ayaa dhaqan galaya toddobaadka nagu soo aadan.
Wuxuu madaxweynaha sheegay in laamaha ammaanka dalkiisa ay joojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Taalibaan islamarkaasna ay qaadi doonan weerar ka dhan ah ururka Daacish iyo kooxaha kale ee shiisheeyee.
Bishii February madaxweyne Ashraf Qaani wuxuu wadahadallo usoo jeediyay Taalibaan.
Wuxuuna u aqoonsaday Taalibaan inay yihiin xisbi siyaasadeed waa haddii ay aqbalaan sharciga dalkaasi.
Wadahadallo tijaabo ah oo u dhexeeyay dowladda Afghanistan iyo Taalibaan ayaa sanadkii 2015-kii burburay kaddib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii Taalibaan kaddibna Mullah Cumar ayaa xilka loo magacaabay.
Ururka Taalibaan ayaa gacanta ku haya deeganno badan oo Afghanistan ka tirsan ilaa markii ciidammada shisheeye ay ka baxeen dalkaasi sanadkii 2014-kii, sida ay muujinayaan darasaad ay soo daabacday BBC bishii January.
Dad lagu qiyaasay 15 milyan ayaa ku hoos ku nool deegannada ay maamulaaan ama goobaha ay joogaan Taalibaan oo ay inta badan weerarada ka gaystaan.