You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dagaal ka dhacay dalka Kaameruun oo ay dad badan ku dhinteen
Afhayeen u hadlay ciidamada Cameroon ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gobolka Anglophone ka fashiliyeen falal argagixiso.
Colonel Didier Badjeck ayaa sheegay in askartu ay isku weer ka qabteen hotel, kadib markii la sheegay in mucaaradka gooni u goosadka doonaya ay ku jiraan gudaha hotelka.
Balse wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labaatan qof lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Menka.
Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in ay aragtay dad badan oo ay ku jiraan caruur iyo haween oo ay jirkoodu ku taallo rasaas.
Cadaadiska ay milatariga Cameroon ku kor dhiyeen gobolka looga hadlo Ingiriisiga ayaa sanadkii hore sababay in ay dhacaan dibebaxyo waqti dheer qaatay oo looga soo horjeeday siyaasadda dhanka Faransiiska looga hadlo.