Sidee BBC-da u baahisay geeridii Adolf Hitler markii koowaad?

Waxa ay ahayd xilli maqrib ah 1-dii bishii May, 1945tii, waxaana xafiiska BBC-da ee Reading , oo ku aadan galbeedka London ka shaqaynayay Karl Lehmann .
Xilligaas ciidamoo midoowgii Soviet ayaa kusoo dhawaanayay magaalada Barlin, dagaalkii Jarmalka waxa uu gaaray heerarkii ugu dambeeyay.
Mr Lehman oo 24 jir ahaa ayaa dhegta ku hayay idaacada Jarmalka markii uu maqlay ogaysiis ah in dhagaystayaasha loosoo wado war weyn, waxaana lagu xijiyay muusig murugo leh.
Kadibna waxa la baahiyay in uu geeriyooday Hilter isaga oo dagaal ku jira.
Karl oo ka mid ahaa dadkii kasoo qaxay gumaadkii naasiyiinta Jarmalka ayaa ka shaqaynayay qeybta kormeerka ee BBC-da, taas oo la taagay dagaalkii labaad bilowgiisii si loola socdo warbaahinta Jarmalka si dhagaystayaasha Britain loola socodsiiyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Jarmalka iyo xulufadooda.

Xigashada Sawirka, HULTON ARCHIVE/GETTY IMAGES
Lix maalmood kadib ayay dowladdii Jarmalka is dhiibtay markii uu dhintay Hitler.
Inkasta oo aysan shaki ku jirin in uu Hitler dhintay, haddane waxaa dib kasoo baxday in uu isaga is dilay.
Geerida Hitler ee raadiyaha Jarmalka laga baahiyay waxaa markiiba turjumay Ernst Gombrich oo ahaa madaxa kooxda turjumayaasha Jarmalka ee BBC-da ka hawlgalayay.
Warkii ayaa markii dambe laga baahiyay BBC-da, iyada oo dadweynaha ay warkaasi farxada lahaa u dabaal dageen.

Xigashada Sawirka, KARL LEHMANN
Karl oo hadda 97 jir ayaa aad u xusuusta wixii maalintaas dhacay. Farxadiisa waxa ay ahayd in uu dib ula kulmi doono qoyskiisa oo uu kasoo qaxay.
Illaa kun qof ayaa ka shaqaynaysay qeybta kormeerka ee BBC-da xilligaas ay dagaalada socdeen, kooxda Jarmalka ahna waxa ay dhanaayeen 40 qof oo isugu jira dad yuhuud ah iyo horusocod ah.










