You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Koonfur Afrika: Nin lagu qasbay inuu cuno saxaradiisa
Dalka Koonfur Afrika waxaa ka bilowday dacwad ka dhan ah beeraley u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in shaqaale u shaqeeya uu ku qasbay inuu cuno saxaradiisa.
Hey'adda xuquuqda aadanaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa dacwadda ka dhan ah ninka beeraleyda u gudbiyay maxkamadda, kadib markii ninka la dhibaateeyay uu gudbiyay dhibaatada loo geystay.
Ninka beeraleyda, xaaskiisa iyo ilma uu dhalay ayaa waxaa haatan gacanta ku haya laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ku socda baaritan ku aadan eedeeymaha loo soo jeediyay.
Qoyskan ayaa wajahaya dacwad ah inay isku dayeen inay afdub iyo dil u geystaan ninka la sheegay inay ku qasbeen in uu cuno saxaradiisa.
Hasayeshee dhageysiga dacwadan ayaa dib loo dhigay ilaa iyo bisha June, si loo sameeyo baaritaano dheeraad ah.