You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qarax ka dhacay Wanlaweyn
Ugu yaraan toddobo askari ayaa ku dhintay 2 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay waddada dhinaceeda, kaddibna wuxuu haleelay gaari kuwa ciidanka ah oo marayay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiye kuxigeenka gobolka Cali Nuur Maxamed.
Ma jirto weli ced sheegatay qaraxan, wuxuuse ku soo aadayaa maalin uun kaddib markii nin soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay suuqa qaadka ee Wanlaweyn, halkaas oo uu ku dilay 12 qof.