Kuuriyada Waqooyi oo siidaysay muwaadhiniin Maraykan ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay xabsiga ka siidaysay 3 muwaadhiniin Maraykan ah oo u xirnaa dowladdaasi.
Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo uu hawada kusoo jiro, diyaaradana ay la saaranyihiin 3 muwaadhiniintooda ah oo lagu hayay dalka Kuuriyada Waqooyi.
Saddexdan qof ee heysta dhalashada Maraykanka ayaa lagu kala magacaabaa Kim Hak-song, Tony Kim iyo Kim Dong-chul, kuwaas oo lagu hayay xabsi ay ka jirto ciqaab daran oo shaqo.

Xigashada Sawirka, Reuters
Trump ayaase sheegay in ay u egtahay 'in ay caafimaad qabaan'.
Labo ka mid ah raggan waxaa la qabtay 2017-kii, midna 2015-kii, dhammaantoodna waxaa lagu eedeeyay falal lid ku ah qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Xigashada Sawirka, AFP






