Caro ka dhalatay hooyo sii dhimanaysa oo lagu jeesjeesay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cod laga duubay qof gurmadka degdeg ah ka shaqeeya oo ku jeesjeesaya hooyo da'yar oo dhimatay saacado ka dib markii uu caawimaadda ka diiday ayaa Faransiiska ka dhalisay caro aad u ballaaran.
Naomi Musenga oo 22 jir ah ayaa wacday gawaarida gurmadka degdegga ah ee Strasbourg iyada oo ka cabanaysa in caloosha aad looga hayo, waxayna tiri "waan dhimanayaa".
Qofka shaqaalaha ah ayaa markaas ugu jawaabay "Xaqiiqatan maalin unbaad dhiman doontaa, sida dadka kalaba".
Gabdha ayaa ugu dambayn wacatay gawaari gargaar oo kale isbitaal ayaana loola cararay balse way dhimatay ka dib markii uu wadnuhu istaagay, wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaana dalbaday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo.
Codka la duubay oo saddex daqiiqo ah ayaa laga maqli karaa Musenga oo codkeedu diciif yahay oo dalbanaysa caawimaad dhibna ay ku tahay in ay faahfaahiso sida loo hayo iyada oo la sii hadlaysa gawaarida gurmadka degdegga ah ee Samu.
Qofka Shaqaalaha ah oo codkiisu xanaaq ka muuqdo ayaa ugu jawaabay "Haddii aadan ii sheegin siday wax u jiraan taleefanka waan jari".
"Xannuun badan ayaa i haya" ayay ku jawaabtay.
Shaqaalaha gurmadka ayaa markaas ku yiri wac dhakhtar, wuxuuna u qoray lambar SOS Médecins oo ah waax dadka xanuunsan dhakhaatiir u dirta baddalkii gawaarida gurmadka degdegga ah.
"I caawi, aad baan u xannuunsanahay ee" ayay gabadhu ku jawaabtay. "Kuma caawin karo oo ma garanayo waxa ku haya" ayuu ku jawaabay shaqaalihii, lambar kale ayuuna u qoray, wuxuuna ku sii daray "Adiga waxba kuuma qaban karo".
Codka la duubay waxaa kale oo laga maqli karaa shaqaalaha iyo qof kale oo la shaqaynayay oo ku maadaysanaya Musenga.
Haweenayda ayay u suuragashay in ay wacato SOS Médecins shan saac markii ay sugaysay ayaana gawaarida gurmadka degdega ah lagu geeyay isbitaal.
Dhiig kar ayaa ku dhuftay waxaana loo wareejiyay qaybta lagu baxnaaniyo dadka ay xaaladdoodu aadka u liidato, balse saacado ka dib ayay geeriyootay markii ay istaageen qaar ka mid ah xubnaha jirkeeda.










