Saaxiibtinimada Trump iyo Macron oo sii bullaalaysa

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Waa labo hoggaamiye oo farqiga da'da ee u dhaxeeya uu aad u sareeyo, midka waa madaxweynihii ugu da'da weynaa ee soo mara Maraykanka, midna waa kii ugu dhalinta yaraa ee soo mara Faransiiska, sidaas oo ay tahay waxa ay u egtahay in ay yeesheen xiriir saaxiibtinimo oo aad usii adkaanaya.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Maraykanka ku maraya booqashadii ugu horeysay oo rasmi ah oo hoggaamiye shisheeye uu ku tago Maraykanka tan iyo intii madaxweyne loo doortay Donald Trump.
Balse xiriirka labada nin ayaa soo jiitay dareenka warbaahinta, sababtuna waxa ay tahay Macron markii la doortay waxa qofkii ugu horeeyay ee uu casuumay ka dhigay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, kaas oo bisha dambe uu ku booqan doono Moscow, sidaasi oo ay tahay waxa uu qeyb ka ahaa duqeyntii loo geystey xulufada Ruushka ee Suuriya markii uu dhacay weerarkii hubka kiimikada ee Douma.
Xiriirka saaxiibtinimo ee labada nin u dhaxeeya ayaa waxa uu geeska galinayaa Britain iyo Jarmalka oo ahaa saaxiibada koowaad ee Maraykanka, xiriir wanaagsana la lahaa hoggaamiyeyaashii hore ee Maraykanka.
In Britain ay ka baxday Midoowga Yurub, iyo siyaasadaha xagga muhaajiriinta ee Jarmalka ayaa albaab u furay Faransiiska in uu noqdo saaxiibka ugu dhow ee Maraykanka.
Sababo kale ayaa jira oo ay isugu soo dhawaanayaan labada nin, waxa ay labaduba gilgileen nidaamkii siyaasadeed ee mudada dheer kasoo jiray dalalkaas, waxayna xardhayaan muuqaal dalalkooda ka dhigaya kuwa awood badan.
Faransiiska xiriirka uu la leeyahay Maraykanka waxa uu ku saleeyaa dano isweeydaar ah, balse ma ahan faham xagga fikirka ah oo ay wadaagaan.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Sidaasi oo ay tahay waxaa jira waxyaabo ay isku hayaan labada dal, kuna kala aragti duwanyihiin, tusaale ahaan heshiiska hubka nuyuukleerka ee Iran lala galay, kaas oo uu Trump sheegay in uu ka baxayo, balse Faransiisku doonayo in aanan laga bixin.
Balse booqashadan ayuu Macron fursad u heli doonaa in uu Trump kala hadlo arrimo badan oo ay ku kala aragti duwanyihiin.
Macron waxyaabaha uu doonayo ee kale waxaa ka mid ah in uu hagaajiyo aqoonsiga caalamiga ah ee Faransiiska iyo xiriirka dibedda, taas oo u muuqata in uu hadda wax ka qabtay.
Haseyeeshee xiriirka Trump ma ahan mid la'isku haleyn karo, sidaas darteed Macron si taxadar leh ayuu uga hadlaa arrimaha Trump, wuxuuna ka fogaadaa in shaqsiyan uu Trump dhaleeceeyo.










