Halyey qaran oo Pakistan u dhashay oo wadne ka codsaday dowladda Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo xiriirka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya uu aad u xunyahay, haddane shacabka labada dal waa ay codsan karaan fiiso ay ku galaan hadba dalka kale.
Nin horey uga mid ahaan jirey ciyaaraha Hocky-ga ama xiyaaraha barafka ee kushineetooyinka lagu ciyaaro ee Pakistan oo lagu magacaabo Mansoor Axmed oo 49 jir ah ayaa dowladda Hindiya ka codsaday in gurmad caafimaad loo fidiyo, isaga oo xanuunsanaya wadnaha.
Waxa uu doonayaa in wadne cusub loo galiyo, wuxuuna yiri „Waan ogahay in aan qalbi jabiyay dad badan oo Hunuud ah, balse dowladda Hindiya waxaan ka codsanayaa wadne cusub".
Fariin uu soo dhigay barta Yotube-ka ayuu Mansoor codsiga ku jeediyay, wuxuuna si gaar ah ugu diray wasiirka arrimaha dibeda dalkaas Sushma Swaraj in ay siiso fiiso sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ninkan ayaa Pakistan looga aqoonsanyahay halyeey qaran, wuxuuna ahaa gool haye, isaga oo ku guuleystay abaalmarinta qalinka ah ciyaarihii olimbikada adduunka ee 1992-dii, isaga oo qeyb ka ahaa kooxdii qaaday koobka adduunka sanadkii 1994-tii.






