You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Obama oo Afrika imanaya Mandela dartiis
Madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah oo Maraykanka soo maray Barack Obama ayaa safar ku tagaya magaalada Johannesburg, isaga oo halkaas ka jeedin doona khudbadda sanadlaha ah ee Nelson Mandela.
Hay'ada Nelson Mandela ayaa sanad kasta qabata isu imaatin lagu jeedinta khudbado ay soo jeediyaan dad caan ka ah adduunka.
Waxaa lagu beegaa 17-ka July, taas oo ah maalinta dhalashada Mandela oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah oo soo mara dalka Koonfur Afrika.
Madaxa hay'adda Mandela Sello Hatang ayaa sheegay in ay raadinayeen qof leh hiddoraac Afrikaan ah, qofkaasna uu noqday Obama, sidaasna ay ku casuumeen.
Khudbadda ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo heli lahaa isdhexgal bulsho, loona yareyn lahaa kala qeybsanaanta bulshooyinka kala midabka duwan.
Wuxuu intaas ku daray in Mandela uu aad ugu farxay markii Obama madaxweyne loo doortay sanadkii 2008-dii.