"Soomaaliya oo dad badan dil ku fulisay sannadkii hore"

xukun dil ah

Xigashada Sawirka, .

Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay hoos u dhacday tirada dadka ay maxkamaduhu dilka ku xukumeen ee adduunka sannadkii hore marka loo eego 12kii bilood ee ka sii horreeyay.

Amnesty waxay warbixinteeda ku sheegtay in ay diiwaan galisay 993 ruux oo dil lagu filiyay sannadkii 2017kii, ayna ka kala dhaceen 23 dal.

Tiradaas ayaa 4% ka hoosaysa sannadkii 2016kii oo la dilay 1,032 ruux.

Dalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fuliyay 24 ruux halka Koonfurta Suudaanna lagu dilay 4 ruux, marka laga soo tago dalalkaasna guud ahaan dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku yaraynayaan dilalka.

Maxkamadaha Nigeria ayaa riday xukunnada ugu badan ee dilka ah, waxaana hadda xabsiyada ku jira dadka ugu badan ee dilka ku xukuman marka la fiiro gobolka intiisa kale.

Dilalka ugu badan waxay ka dhaceen Shiinaha Iiraan, Sacuudi Carabiya, Ciraaq iyo Pakistan

Shiinaha ayaa wali ku jira kaalinta koobaad ee liiska dalalka dilalka ugu badan fuliya, laakiin si sax ah looma oga tirada maadaama oo ay dawladdu u aragto xogtaas sir dawladeed.

Marka laga reebo Shiinaha, 84% ka mid ah xukunnada dilalka ah ee adduunka laga fuliyay waxay ka dhaceen Iraan, Sacuudi Carabiya, Ciraaq iyo Pakistan.