You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ka waran haddii dhaqankaaga baraha bulshada awgiis aad shaqo ku weyso?
Bal malee haddii wax kasta oo aad kusoo qorto Facebook ama Twitter la xisaabinayo, kadibna ay dowladdaada u isticmaali doonto in ay ku qeexdo qofka aad tahay, xumaan iyo samaan?.
Waxaa la darsayaa wax kasta oo aad ku samayso baraha bulshada, waxaana lagugu samaynayaa qiimeyn shaqisyadeed oo ah in aad tahay qof xun ama wanaagsan, qiimeyntaas oo lala wadaagayo shirkadaha shaqada bixiya iyo laamaha dowladda.
Hagaag, dowladda Shiinaha ayaa haddaba wax noocaas u eg ka hirgalaysa dalkeeda, waxayna ugu yeertay "Hal-beegga muwaadhiniinta", waxaana la hirgalin doonaa sanadka 2020-ka.
Shiinaha ayaa kalhoreba samaysay faafreeb balaaran oo xagga internetka ah, qofka halkaas joogana uusan galaangal u yeelan karin boggaga laga leeyahay Galbeedka sida Google, Facebook, YouTube iyo Twitter. Balse dadka dhan 1.4ta bilyan ee dalkaas ku nool wax kasta oo ay ku qoraan ama soo dhigaan baraha dalkaas laga leeyahay sida WeChat iyo QQ ayaa noqonaya wax saamayn weyn ku yeelan doona noloshooda.
Shirkado badan ayaa isticmaali jirey qad internet ah oo dadka ka difaacaya in xogtooda la ogaado, balse dowladda Shiinaha ayaa sanadkii hore ku amartay shirkadda isgaarsiinta ee China Mobile in ay hawada ka xirto qadkaas qarsoodida ah.
Balse sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay, dadka shiinaha waxbo kama qabaan talaabooyinka dowladda, boqolkiiba 70% waxa ay aaminsanyihiin in ganacsiga tiknoolajiyadda uu yahay mid mustaqbalkooda u wanaagsan.
Dadka hal abuurka ah ee aadka usoo kordhaya ee dhanka aaladaha cusub ayaa Shiinaha sidoo kale ka dhigay dal aad ugu hanweyn, islamarkaasna ugu faanaya horumarka ay dhinacan ka gaarayaan, kaas oo markii hore ay uga dambeeyaan dalalka kale ee uu tartanka ka dhaxeeyo.
Tusaale ahaan kororka dhaqaalaha magaalada Shenzhen oo ah xarunta ugu weyn ee tiknoolajiyadda ayaa gaaray 8.8% boqolkiiba sanadkii hore, taas oo dhiirogalisay Shiinaha.
Sidoo kale shirkadaha WeChat iyo QQ ee baraha bulshada ah ayaa ka dheereeyay shirkadda Facebook.