Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday heshiiska Berbera

baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacanseyray heshiiska shirkadda DP Wolrd ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ay dhawaan la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale ansixiyay ''Xeerka Dhowridda gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya''

Xeerkani oo ay soo diyaariyeen gudiga joogtaada ah ee Baarlamaanka ayaa waxaa xildhibaanada ka hor akhriyay guddomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad.

168 xildhibaan oo ka mid ahaa 170 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka ayaa ogolaaday halka midna uu diiday kan kalana uu ka aamusay.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore sharci darro ku tilmaantay heshiiska dekadda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland iyo shirkadda DP World. Balse Somaliland iyo DP World ayaa difaacay heshiisaasi, iyadoo agaasimaha shirkaddaasi uu sheegay in ''Somaliland ay madaxbanaaneyd muddo 28 sano ah'' wuxuuna intaasi ku daray in ''dowladda federaalkana aysan saameyn ku yeelan karin dhaqangalka heshiiskan''.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay dowladda fadaraalka aysan daw u lahayn ka hadalka heshiiskan.

War saxaafadeed dhawaan ka soo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsanayn heshiiska dhexmaray shirkadda DP World ee Imaaraatka iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Arrintan ayaa sii murgin karta Heshiiskan oo sidoo kale ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.

War saxaafadeedka dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in aanan lagu wargalinin heshiiska, islamarkaasna uu hareer marsanyahay habraaca loo maro heshiisyada, kana hor imanayo midnimada Soomaaliya.

Qoraalka Codka, Somaliland oo si kulul uga hadashay muranka heshiiska dekedda Berbera

Heshiisyada DP World

Shirkadda DP World oo maamusha dekeda weyn ee Dubai ayaa muddo sanad ah wadahadalo kula jirtay Somaliland, horay ayaana la'isugu afgartay in uu dhaqangalo heshiiska.

Heshiiska dekadda Berbera waxaa wada saxiixday Somaliland, DP World iyo dowladda Itoobiya oo la sheegay in saamigeeda ay ka iibsatay shirkadda Imaaraatka.

Inkasta oo uu heshiiskan muran badan ka dhex dhaliyay gudaha Somaliland, haddane waxaa markii dambe ansixiyay Aqalka Wakiilada Somaliland.

DP World waxa ay horay heshiis ula gashay dowlad goboleedka Puntland, in ay maamusho dekeda Boosaaso, mana jirto wax hadal ah oo ay dowladda federaalka iyo baarlamaanka federaalkaba ka dhaheen arrintaas.

Qoraalka Codka, Dowladda Soomaaliya oo walaaca ay ka qabto heshiiskii Berbera u gudbisay jaamacdda Carabta

Inkasta oo aysan kala caddeyn xiriirka ka dhaxeeya, haddane dowladda Jabuuti ayaa dhawaan joojisay heshiis ay horay ula gashay shirkaddan Imaaraatka laga leeyahay oo ku saabsanaa dekeda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso hay'ad iyo dowlad kasta oo doonaysa in ay maalgashato Soomaaliya laakiin loo baahanyahay in loo soo maro wado sharci.

Somaliland ayaa sheegtay inay hakisay wadahadalladii ay la lahayd dowladda Federaal Soomaaliya sababo la xiriira mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay heshiiska dekadda Berbera.