You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kolonyo gurmad bini’aadamnimo oo gaartay gobolka Afrin ee Suuriya
Kolonyo gaadiid gurmad bini'aadamtinimo oo sida sahay gargaar oo ka kooban 28 gawaari oo ay leedahay bisha cas ee Suuriyada ayaa gaartay waqooyiga bari ee gobolka Afrin, sidaasi waxaa shaaciyey Telefishinka dawladda Suuriya, waxaana uu sheegay in ay u fidin doonaan caawimaad dadka deegaanka ee dhibaatadu ka soo gaartay wax uu ugu yeeray gardarada socota ee taliska ciidamada Turkiga ee gobolka.
Dirirta u dhaxeysa xooggaga Kurdiyiinta reer Suuriya iyo ciidamada Turkiga ayaa xoogaystay maalmihii la soo dhaafay.
Turkey ayaa ku adkeysanaya in rasaas joojin kasta aanay saameyn doonin hawlgalkooda mudada bisha socda ee ay ka wadaan gobolka Afrin kuwaasiu ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta.