You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Ruushka
Wararka ka imaanaya dalka Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ay burburtay waxyar un kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtaya in Diyaaradaas ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Saratov .
Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan.
Waxaa lagu soo waramay in Diyaarada ay ku dhacday meel u dhaw Argunovo oo sideetan kiloomitir kaga began koonfur bari ee magaalada Moscow.