You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dowladda Kenya oo tarxiishay siyaasi caan ah
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay tarxiishay siyaasi caan ah oo maalmahan xabsiga ku jiray kaas oo lagu magacaabo Miguna Miguna.
Miguna oo u dhashay dalka Kenya ayaa balse loo tarxiilay dalka Canada maadaamaa uu heysto jinsiyadda dalka Canada, halkaas oo diyaarad loo saaray shalay.
Dowladda Kenya ayaa Miguna kusoo oogtay dacwad qiyaano qaran ah, kadib markii uu ka qeybqaatay dhaarintii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Maalintii shalay ahayd ayaa Miguna laga waayay maxkamaddii la filayay in lasoo taago, iyada oo amar maxkamadeed oo soo baxay uu dowladda ku wargaliyay in maxkamadda la horkeeno Miguna Miguna. Balse booliiska ayaa ninkan geeyay maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda ayaa diiday in uu dhagaysto dacwadda, wuxuuna sheegay in ay tahay in la geeyo maxkamadda Nairobi.