You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka oo mamnuucay in wax hub ah la geeyo South Sudan
Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in wax hub ah loo daabulo dalka South Sudan. Tallaabadan ayuu Mareykanka ku sheegay in looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno qaadatay ee ka taagan waddankaasi.
Mareykanka ayaa gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku booriyay inay meelmariyaan qaraar cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu saarayo South Sudan.
Inkastoo Mareykanka aanu hub toos ah ka iibinin dalkaasi ayaa haddana xukuumadda Washington waxaa ay mamnuucay in shirkadaha Mareykanka ee arrimaha difaaca ay wax hub ah ka iibiyaan dowladda South Sudan.
Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sidookale walaac ka muujisay sida hogaamiyeyaasha dalkaasi ay ugu guuldareysteen inay soo afjaraan collaada ka taagan South Sudan.
Bishii hore ayay aheyd markii safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ay sheegtay in Mareykanka uu ka quustay madaxweynaha South Sudan, iyadoo sidookale ku tilmaamtay saaxiib aan ku habooneyn nabadda.