You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo sheegay in xabsiga Guantanamo sii furnaanayo
Xabsiga xaaladiisa laga deyriyay ee arxan darada ku caan baxay ee Guantanamo Bay ayaa sii furnaan doona sida uu sheegay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Go'aanka Trump ayaa waxa uu calaqayaa go'aankii Madaxweyne Obama ee ahaa in xabsigan albaabada la'isugu dhufto.
Xabsigan oo ku yaala dalka Cuba ayaa waxaa lagu hayaa dadka loo heysta falalka argagixisada la xiriira tan iyo sanadkii 2001-kii, xiligaas oo weeraro waaweyn lagu qaaday Maraykanka.
"Argagixisada ma ahan dambiilayaal oo kaliya, waa cadaw sharci daro ah, marka dalka dibediisa lagu qabtana waa in loola dhaqmaa nooca argagixiso ee ay yihiin" ayuu Trump ku sheegay khudbad uu ka jeediyay Aqalka Congress-ka.
Trump ayaa intaas ku daray in si doqonimo ah loo siidaayay boqolaal dad argagixiso ah, kuwaas oo markii dambe soo saftay dagaalo Maraykanka ka dhan ah, isaga oo tusaale usoo qaatay hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdadi.
Illaa 700 maxaabiis ah ayaa halkaas lagu hayay muddo.
Madaxweyne Obama ayaa sanadkii 2009-kii saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad gudihiis ah lagu xirayo xabsigan, balse xildhibaanada ayaa muddo 8 sano ah ka hor taagnaa in talaabadaas lagu dhaqaaqo.
Trump markii la doortay ayuu waxa uu hadal ka bilaabay in aanan hal qof oo dambe laga siideynin Guantanamo, isaga oo sidoo kale ku hanjabay in uu 'dadka xunxun' ka buuxin doono.