You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Agaasimaha shirkadda Apple oo wiil uu adeer u yahay u diiday isticmaalka baraha bulshada
Agaasimaha guud ee shirkadda taleefoonada casriga ah ee Apple ayaa wiilka uu adeerka u yahay ka mamnuucay isticmaalka baraha bulshada 'maadaamaa ay yihiin kuwa aanan wanaagsanayn' sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xili daraasado la sameeyay ay muujinayaan in bulshada ay aad uga hor imaanayso isticmaalka barahan oo lagu eedeeyay in ay faafiyaan waxyaabo xunxun.
Shirkadaha Facebook, Twitter iyo Youtube ayaa qirtay in uu dhib jiro.
Tim Cook, agaasimaha Apple, ma uusan sheegin da'da uu jiro wiilka uu adeerka u yahay, balse wareysi uu bixiyay sanadkii 2015-kii ayuu ku sheegay in uu jirey 10 sano xiligaas.
"Aniga carruur ma lihi, balse wiilka aan adeerka u ahay uma ogoli in uu isticmaalo baraha bulshada" ayuu yiri Tim oo qalabka shirkaddiisa ay soo saarto uu yahay kan ugu badan ee laga isticmaalo baraha bulshada, islamarkaasna dhiirogaliya isticmaalkooda marka laga hadlayo adeegyada ay taleefoonada leeyihiin.
Shirkadahan baraha bulshada ayaa soo saaray xeerar ay ku xadidayaan isticmaalka baraha bulshada ee carruurta da'dooda ka yartahay 13 sano.
Xeerka difaaca xogta gaarka ah ee carruurta ee Maraykanka ayaa mamnuucaya ama shuruuda ku xiraya illaa xadka shirkadaha baraha bulshada ay xog ka keydin karaan carruurta da'dooda ka yartahay 13 jirka.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa barahan lagu eedeeyay in ay ogolaadeen in la baahiyo warar been abuur ah, gaarkoodna borobogaando ah.
Maalintii jimcaha, shirkadda Twitter-ka ayaa qiratay in burcadda internetka ee Ruushka ay shabakadan ku dhex faafiyeen warar been abuur ah si loo farogaliyo doorashadii Maraykanka ee dhacday 2016-kii.
Waxa ay Twitter fariin email ah u direysaa illaa 677,775 qof oo shabadan isticmaala, Maraykankana ku nool in si ogaansho la'aan ah ay ugu xiranyihiin ciwaano been abuur ah oo Ruushiyaan ah.
Youtube ayaa iyaduna waxa ay walwal ka qabtaa qof shabakadan soo galiyay meydka qof lagu diley dalka Japan.
Baraha bulshada iyo waliba xitaa Apple ayaa wajahaya dhaleeceyn sii kordhaysa oo ah in ay yihiin wax ay dadka qabatimaan ama balwad ay ka dhigtaan marka ay cabbaar isticmaalaan.
Dr Joss Wright oo ka tirsan jaamacadda Oxform ayaa yiri "Baraha bulshada waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin sida aan wararka ku helno iyo xitaa qaab nololeedkeena, fikradda ah maadaama ay tiknoolaji yihiin lama koontarooli karo, waa arrin aanan sax ahayn, waa in bulsho ahaan aan aragtideena ka dhiibanaa dhibka jira, iyo culeeska ay nagu hayaan".