Apple oo raaligalin ka bixisay culaysinta taleefannada gaboobay ee iPhone

Shirkadda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah si ay "u kasbato kalsoonidii" macaamiisha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shirkadda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah si ay "u kasbato kalsoonidii" macaamiisha

Shirkadda Apple ayaa raaligalintan bixisay ka dib markii ay dhaleecayn kala kulantay in ay qiratay in ay cuslayso ama xawaaraha ay ku shaqeeyaan hoos u dhigto talleefoonnada gaboobaya ee Iphone-ka.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay qiimaha baytariyada raqiisin doonto ayna soo saari doonto software sannadka 2018ka, si ay macaamiisha ula socdaan badqabka baytariga ku jira taleefoonkooda.

Macaamiil badan ayaa wakhti dheer ka shakisnaa in shirkaddu ay hoos u dhigayso awoodda iPhone-nada gaboobay, si ay macaamiisha ugu dhiirigaliso in ay gataan taleefoonnada dambe ee ay shirkaddu soo saarto.

Shirkadda Apple ayaa qiratay in ay cuslaysay qaar ka mid ah taleefannadeeda oo baytariyadoodu sii duugoobayeen balse waxay sheegtay in ay uga gollahayd in ay cimriga baytariga dheerayso.

Shirkadda ayaa sheegtay in ay soo saarayso software cusub si ay macaamiishu ula socdaan tadayada baytarigooda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shirkadda ayaa sheegtay in ay soo saarayso software cusub si ay macaamiishu ula socdaan tadayada baytarigooda

War qoraal ah oo ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in ay dhimidoonto qiimaha baytariyada aan dammaanadda lahayn, iyaga oo ka kala dhigi doono $79 ilaa $29 ayna qiimahaas ku siin doonto macmiil kaste oo iPhone 6 ama kuwii ka dambeeyay haysta.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay waddo qorsheyaal "ay wax uga qabanayso" walaacyada macaamiisha si ay u garwaaqsato dadka shirkadda jecel iyo sidii ay dib ugu kasban lahayd kalsoonida qof kaste oo ka shakiyay waxa ay arrintan uga gollahayd shirkadda Apple.