You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo qabtay "gantaal ku sii socday" Riyaadh
Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.
Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.
Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.
Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa Iraan ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yaman.
Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.
Waxrbixin lagu qoray bogga al-Masirah waxaa la geliyay muuqaalka ayadoo xuutiyiinta ay ku dhawaaqayaan rididda gantaalka Burkan-2.
Gantaalka waxaa lagu riday dhismaha Al-Yamama ee Riyadh oo uu ka socday "kullan ay lahaayeen hoggaamiyayaasha Sacuudiga", ayaa lagu qoray bogga.
Qasriga wuxuu xafiis u yahay boqorta, waxaana ku taallo maxkamadda boqortooyada.
Daqiiqado ka dib, Telefishinka dowladda Sacuudiga ee al-Ikhbariya TV, wuxuu baahiyay in gantaalka lagu qabtay koonfurta caasimadda Riyaadh.
Muuqaalka oo uu baahiyay nin sheegay inuu joogo degmada Olaya waxaa ka muuqdo qiiq magaalada dusheeda ah. Ka dib waa la maqli karaa qaraxa.