Labo xidig oo caan ah oo is guursaday

Lamaanahan caanka ka ah Hindiya ayaa isku mehersaday Talyaaniga

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Lamaanahan caanka ka ah Hindiya ayaa isku mehersaday Talyaaniga

Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ka dib toddobaadyo la isla dhexmarayay in ay is aroosayaan.

"Maanta waxaan isu ballan qaadnay in aan waligana is jeclaan doono, waxaanna ku faraxsannahay in aan warkaa idinla wadaagno", ayay lamaanuhu ku dheheen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Xalfadda waxaa ka qayb galay qaraabada dhaw iyo saaxiibo kooban.

Lamaanahan ayaa sheegay in ay doonayaan in "arooskoodu uu noqdo mid khaas u ah".

Meherka waxaa ka qayb galay qaraabada iyo asxaabta dhaw

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Meherka waxaa ka qayb galay qaraabada iyo asxaabta dhaw

Labadan lamaane ee caanka ah ayaa la sheegay in meherkoodu uu ka dhacay Tuscany oo ah goob loo tamashle tago.

Delhi ayayna xaflad soo dhawayntooda ah ku qaban doonaan 21ka Disembar, waxaana xigi doona damaashaad ka dhici doona Mumbai 26 Disembar, taas oo ay ka qaybgali doonaan dad caan ah oo ka tirsan shirkadda aflaanta samaysa ee Bollywood, dad Kiriketka isticmaala, sida ay sheegeen.

Dad badan caan ah ayaa u hambalyeeyay lamaanahan.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Marka ay dhammaadaan damaashaadya Hindiyana , lamaanuhu waxay u safri doonaan Koonfur Afrika, halkaas oo Kohli uu isugu diyaarin doono ciyaarta ay dheeli doonto Hindi horraanta sannadka soo socda.

Sannadka cusubna Sharma waxay ku laaban doontaa Mumbai si ay dib ugu billawdo hawlaheedii jilidda, halkaas ayayna lamaanuhu ku noolaan doonaan.