You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo sii faafiyay muuqaalo islaam nacayb ah
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka kusii faafiyay saddex muuqaal oo ay horey u faafiyeen koox xagjirka caddaanka ah oo ku sugan UK.
Muuqaalada ayaa ku saabsan islaam nacayb, midkoodna waxa uu muujinayaa nin la sheegay in uu islaam yahay oo waxyeelo u geysanaya qof curyaan ah.
Kooxda muuqaalka faafisay markii hore ayaa lagu magacaabaa Britain First, waxaana madaxda ka mid ah haweenayda lagu magacaabo Jayda Fransen.
Fransen ayaa ku faantay in Trump uu sii faafiyay muuqaalada, sheegtay in Trump uu heysta 40 milyan oo qof oo daalacata bartiisa twitter-ka.
Haweenayday ayaa loo heystaa dacwad la xiriirta in ay jeedisay hadalo kicin ah, waxayna maxkamadda kasoo hor muuqan doontaa 14-ka diseembar, 2017-ka.
Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa Trump ku dhaleeceeyay in falka uu sameeyay.