You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dab burbur baaxad leh u gaystay baarlamaanka Cameroon
Dhismaha baarlamaanka dalka Cameroon ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Yaoundé ayuu burbur baaxad leh soo gaaray ka dib markii uu dab qabsaday afarta dabaq ee uu dhismuhu ka kooban yahay.
Dab damiska ayay u suurtagashay in ay xakameeyaan dabka, kumana uusan faafin qaybta uu baarlamaanku doodadaha ku qabsado.
Illaa iyo hadda ma jiro wax muujinaya in ay dad wax ku noqdeen, durbana lama ogaanin waxa dhaliyay dabka.
Kulankii baarlamaanka ee toddobaadkan waxaa lagaga dooday miisaaniyadda dalka.
Sawirro iyo muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabaqyada sare oo gubanaya, saacado ka dib markii dambu qabsaday.
Sawirqaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in dambka la wada damiyay subaxnimadii saaka.