Zimbabwe: Shan arrimood oo ay tahay in aad ogaato

Xigashada Sawirka, AFP/getty
Caalamka wuxuu eegayo tallaabada xigta ee uu militariga Zimbabwe qaadi doono, ka dib markii ay awoodda dalka la wareegeen, madaxweynahana xabsi guri geliyeen.
Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in aad ka ogaato dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan.
1. Dhaqaale xumo
Zimbabwe waxay ku jirtay dhaqaale xumo tobankii sano ee la soo dhaafay. Heerarka shaqa la'aanta dalka way kala duwan yihiin, balse shirkadda ugu sareysa ganacsiga dalka waxay sheegtay in ay gaareyso 90 boqolkiiba ka dib qiimeyn ay sameysay horraantii sanadkan.
Zimbabwe waxay dhibaato wayn kala kulantay sicirbarar ku bilowday sanadkii 2008-dii. Dalka wuxuu ku qasbanaaday in uu isticmaalka lacagtiisii joojiyo ka dib markii sarifka uu aad sare ugu kacay.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Dowladda ayaa sameysay lacag cusub oo loo bixiyay Bond ka dib markii middi hore ay aad u yaraatay, balse si degdeg ah ayey middan cusub ku qiima beeshay.
Dadka lacagtooda dhiga bangiyada waxay dhibaato kala kulmaan in ay dib u helaan, ama waxay la kulmaan xakameyn lagu sameeyo inta ay la bixi karaan.
Taasi waxay sababtay in ay sare u kacdo lacagta sida digitalka ah loo isticmaalo. Ka dib markii militariga uu la wareegay awoodda, qiimaha Bitcon ayaa kordhay Arbacadii.
2. Khilaafka Mugabe oo muddo soo jiitamayay
Hoggaamiyaha 93 sano jirka ah waxaa ku jah-wareeray kuwa muddada dheer dhalleeceynayay. Mararka qaar wuxuu kuwaasi ku tilmaamaan "sawirro" dibad joogayaal ah.
Mugabe Waxaa Zimbabwe mar looga arkay geesi kacaan wade ah oo la dagaalamay maamulkii caddaankii laga tirada badnaa.
Balse isaga iyo taageerayaashiisa "waxay adeegsadeen qalalaase, si ay awoodda ugu sii fadhiyaan", wuxuuna isticmaalay dad ka shaqeeya dowladda si uu u xoojiyo xisbigiisa iyo naftiisa.
Xisbiga uu ka tirsan yahay wuxuu sheegay in uu ka hortagayo shuuciyadda iyo gumeysiga, balse dhibaatada dhaqaale ee dalka waxaa xitaa tijaabiyay taageerayaasha daacadda u ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu markastaa sheegi jiray in uu xilka wareejinayo marka "kacaankiisa" uu dhammaado, balse wuxuu doonayay in uu xusho qofka uu xilka ku wareejinayo, arrintaas oo loo maleynayo in ay sabab u tahay dhibaatada siyaasadeed ee hadda taagan, iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay sii liidaneyso.
3. Dalka wuxuu leeyahay xisbi mucaarad
Tan iyo markii Mugabe uu noqday ra'iisul wasaarihii dalka, 1980-kii, ka dib doorashadii ay ilaalineysay Britain, maamulkiisa wuxuu lahaa mucaarad.
Wuxuu dastuurka dalka bedelay 1987-dii, si uu isaga dhigo madaxweyne. Sanadkii 1999-kii, koox mucaarad ah ayaa aasaasay Dhaqdhaqaaqa Is bedelka Dimuquraadiyadda (MDC), waxay sameeyeen isu soo baxyo iyo shaqa joojin guud oo noqotay mid la dareemi karay, maadaama dhaqaalaha uu hoos u dhacay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qalalaasaha ka sokow, wuxuu awood u yeeshay in uu gacan adag ku qabto cadowgiisa siyaasadeed iyo kuwa awoodda leh ee xulafada la ahaa. Madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa waa qofkii ugu dambeeyay ee shaqada laga ceyriyay.
Tallaabooyiinkii ugu dambeeyay ee Mugabe ee uu ku taageeray xaaskiisa Grace si uu xilka ugu wareejiyo waxaa lagu tilmaamay tallaabo aad u dheereyd.
4. Hoggaamiye kastoo la keeno, ma noqonayo is bedelka wayn ee la filayo
Haddii madaxweyne ku xigeenkii la ceyriyay Mnangagwa uu soo noqdo oo uu bedelo Mugabe, waxyaabaha uu la imaanayo ma noqon doonaan kuwo is bedel weyn keena.
Waa halgamaa sare oo kale oo u dagaallamay xuriyadda, waxaa loo arkaa isku xiraha muhiimka ah ee u dhexeeya ciidamada, laamaha sirdoonka iyo Zanu-PF.
Waxaa lagu eedeeyay in uu abaabulay xasuuqyo ka dhacay dalka intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalkaas iyo in uu weeraro ku qaaday taageerayaasha mucaaradka.
Illaa 40-kii sano ee la soo dhaafay, dalka waxaa maamulayay halgamaayaal hore iyo militari, waxayna u muuqataa in faragelintan ay tahay mid lagu sii xoojinayo arrintaas.
5. Weli waxaa suuragal ah in Mugabe uu xilka sii hayo

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida la ogyahay, dadka reer Zimbabwe laga dhaadhiciyay in bedelidda Mugabe aysan si fog u ahayn mid bedeleysa fikraddiisa siyaasadeed.
- Halkan ka akhriso taariikhda: Robert Mugabe, Halyeey qaran mise nin Zimbabwe hagardaameeyay?
Qoraal laga aqriyay telefishinka, Militariga wuxuu ku sheegay in si kooban ay awoodda ula wareegeen si ay u "baacsadaan dembiilayaal" ku hareereysan madaxweynaha, balse aysan Mugabe naftiisa dagaal kula jirin.
Waxaa macquul ah in xilka laga qaado marka xaaladdan ay dhammaato, ka dib marka Mnangagwa lagu soo celiyo xilka madaxweyne ku xigeenka, loona diyaariyo in uu bedelo Mugabe.
Sidoo kale waxaa dhici karta in laga dhigo madaxweyne "magac u yaal ah" ayadoo dad kale ay dalka u maamulayaan si toos ah.











