You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidamo isku gadaamay guriga madaxii hore ee militariga Koonfurta Sudan
Ciidamo ayaa isku gadaamay guriga madaxii hore ee ciidamada militariga dalka Sudaanta Koonfureed.
Ciidamadan ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay hubka ka dhigaan ilaalada Genaraalkan.
Wadooyiinka goobaha ka agdhaw guriga sargaalkani ayaa la xiray islmarkana inta badan dadka waxa ay iska joogaan guriyahooda .
General Paul Malong ayaa waxa bishii May shaqada ka cayriyay madaxwayne Salva Kiir ka dib markii tira saraakiil ah ay iska casileen militariga dalkaasi.
General Malong ayaa tan wixii xiligaasi ka dambeeyay ku jiray xabsi guri .
Waxa la rumaysan yahay in uu ahaa maskaxdii ka dambeeysay dagaalkii magaadalada juba ka qarxay sanadkii aanu soo dhaafnay kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu soo afjaray heshiiskii awood qaybsiga ahaa oo u dhaxeeye Mr Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar.