Cudur aanan la aqoon oo ku dhaca carruurta qaxootiga ku ah Sweden

Muddo labaatan sano ah dalka Sweden waxaa lala tacaalayay cudur aanan la aqoonin waxa uu yahay, oo balse haleela carruuraha dadka muhaajiriinta ah oo kaliya, waxaase la'is weeydiinayaa sababta Sweden ku kali yeeshay cudurkan.
Xanuunkan ayaa waxa uu ilmaha ku sababaa in ay socon waayaan, hadli waayaan ama ayba indhaha kala furi waayaan. Wuxuuna ilmaha noqonayaa sidii qof maahsan oo kale.
Carruurtan waxaa ka mid ah gabadh 9 jir ah oo lagu magacaabo Sophie, indhaha waa daboolanyihiin , waxaana lagu wadaa gaariga curyaanka, waxaana lagu quudiyaa tuubo sanka laga galiyay.
Sophie iyo qoyskeeda waxa ay Sweden galeen sanadkii 2015-kii, iyaga oo ka yimid dalalkii horey la'isugu oran jiray Midowga Soviet.
Dr Elisabeth Hultcrantz oo baartay gabadhan ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday in Sophie aysan afkeedaba kala furin, waxayna intaas ku dartay in sanka laga quudinayo ay dhibaato u horseedi karto.

"Waxaan waalidkeeda u sheegay in qeybta dareenka ee maskaxda Sophie ay fariisatay" ayay tiri Dr Elisabeth.
Dhaqaatiirta carruurtan daweeya ayaa waxa ay sheegeen in sababaha ugu waaweyn ee ay carruurtan u maahsanyihiin ay tahay tiiraanyo badan oo ay la kulmeen sababtuna tahay iyaga oo arkay dhibaatooyin culus oo ka dhacay dalalkii ay ka yimaadeen.
Qoyska Sophie ayaa dhibaatooyin badan kula soo kulmay wadada, waxayna markii ay Sweden tageen taas horseeday in gabadhan yar ay aad u xanuunsato.
Xanuunkan miyir daboolanka oo kale ah waxaa markii koowaad lagu arkay Sweden horaantii sanadihii 1990-naadkii, waxaana la diiwaangaliyay illaa 400 qof oo qaba intii u dhaxay 2003-dii illaa 2005-tii.
Arrintan xanuunka ilmaha qaxootiga ah ayaa noqotay mid siyaasadeed, waxaana soo baxay warar sheegaya in carruurtan ay jilayaan xanuunka, ama waalidkood ay sun siinayaan si ay u helaan degenaansho.
Carruuraha uu xanuunkan haleelo ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ka yimid dalalka gaar ah sida Midowga Soviet, waddamada Balkans, qoowmiyadda Roma, iyo qoowmiyadda Yazidi ee dalka Ciraaq.
Carruurta waa kuwa badankood Sweden ku noolaa sanado dhawr ah, lana qabsaday nolosha dalkaas, xitaa ku hadla Afka Swedish-ka.
Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in xanuunkan aanan laga heli meel ka baxsan Sweden.
Ma jiro wax cilmi-baaris ah oo lagu sameeyay xanuunkan iyo waxa sababa, mana la oga in la kala qaado iyo in kale.
Qoyska Sophie waxa ay ka mid yihiin muhaajiriinta loo diiday codsigooda magangalyo doonimo, waxaana kaliya la siiyay fiiso 13 bilood ah, kaas oo ka dhacaya bisha Maarso ee sanadka soo socda.

Xanuunkeeda waxa ay uu saaid sii noqday markii ay Sophie maqashay in loo diiday codsigooda magangalyo doonimada.
Waxaa jira habab lagu daweeyo carruurta xanuunkan qaba, waxaana ka mid ah in laga kaxeeyo waalidka, lana geeyo isbitaal, lagana hor istaago wax kasta oo xiriir ah.
Sida uu sheegay mid ka mid ah dhaqaatiirta horay u daweeyay ilmo kale oo xanuunkan qaba, dhawr maalmood kadib marka ilmaha laga wado waalidka waxa lagu arkaa isbadal iyo dareen maadaamaa uu tabayo waalidkiisa.
Clara Ogren oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa tiri "Waan u ciyaarnaa, dharka ayaan ka badalnaa, farshaxano ayaan u sawirnaa oo midabo kala duwan ah, illaa marka dambe ay iyagu bilaabaan in ay iskood u ciyaaraan".
Waxa ay intaas ku dartay in carruurta ay leeyihiin awooddii oo dhan, balse ay maskaxdooda hilmaamtay sidii ay u isticmaali lahaayeen.
Sophie muddo 20 bilood ah ayay xanuunsantahay, waana xili aad u dheer in ilmo iyada oo kale ah uu adduunka ka war la'aado.
Cabsida ugu badan ee ay qabaan ayaa ah in la tarxiilo iyada oo ay gabadha caafimaadin.











