Kim Jong-un oo booqday warshadda alaabaha isqurxinta

Xigashada Sawirka, KCNA via Reuters
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooti Kim Jong-Un ayaa booqday warshad soo saarta daawooyiinka la isku qurxiyo oo ku taalla Pyongyang.
Waxaa booqashada ku wehliyay xaaskiisa oo aan badanaa la arkin oo lagu magacaabo Ri Sol-ju iyo walaashiisa Kim Yo-jong.
Warbaahinta dowladda ayaa Axaddii baahisay sawirro muujinaya Kim Jong-un oo booqanaya warshadda. Labadan dumar ee la socday aad ayey u yartahay in lagu arko goobaha bulshada.
Walaashiisa Kim Yo-jong ayaa dhowaan loo magacaabay xil sare oo dowladda ka tirsan.
Alaabta la isku qurxiyo ayaa aad ugu yaraaday dalka Kuuriyada Waqooyi ka dib cunna qabateynta Qaramada Midoobey.
Muxuu u booqday Warshadda?
Muddo sanado ah, dalal badan ayaa joojiyay in alaab ay u dhoofiyaan dalka Kuuriyada Waqooyi, ka dib xayiraadda Qaramada Midoobey iyo Mareykanka.
Markaa ka dib, maamulka Pyongyang ayaa sameystay warshad u gaar ah oo soo saarta dawada la isku qurxiyo iyo barfuunno, taa ayaa hadda dalkaasi caan ka noqotay.

Xigashada Sawirka, KCNA via AFP
Inkastoo lagu garanayay booqashada xarumaha militariga, in hadana uu booqdo warshaddan waxaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dacaayadda ku wajahan in maamulkiisa uu si wanaagsan u shaqeynayo.
Dhowaanahan wuxuu booqanayay warshadaha iyo goobaha dadwaynaha ee lagu sameeyo alaab kala duwan, sida telefoonada casriga ah.
Booqashada waxay tahay "in lagu muujiyo in Kuuriyada Waqooyi ay barwaaqo u horseedeyso dadkeeda si la mid ah Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed," ayuu yiri Ankit Panda oo ka faallooda arrimaha maamulka Pyongyang.
"Xittaa haddii aan ognahay in aysan run ahayn, hadana waxay muhiim u tahay in dadka Kuuriyada Waqooyi u arkaan in dowladdooda ay waxyaabo kala duwan ka heli karaan."












