Dilkii shirqoolka ahaa ma dareen kubbaddeed buu abuurayaa?

Malagayaabaa in Kim Jong-un uu seego

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dawladda Malaysia ayaa dalbatay in ciyaarta isreebreebka koobka Qaramada Aasiya ee ay la leedahay Kuuriyada Waqooyi loogu wareejiyo dal saddexaad oo dhexdhexaad ah.

Arrintaas waxay dabosocotaa dilkii loo gaystay nin ay walaalo yihiin madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un oo dibad joog ahaa.

Saraakiisha dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Maraykanku waxay rumaysan yihiin in dilka Kim Jong-nam ee ka dhacay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kuala Lumpur ay ka dambeeyeen dad ay soo dirsatay xukuumadda Pyongyang.

Hamidin Mohd Amin oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ee Malaysiya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dawladdiisu ay ka dalbatay in aysan aadin magaalada Pyongyang.

Wuxuu intaas ku daray in ay go'aanka ay sugayaan dhamaadka todobaadkan.

Qoraalka Muuqaalka, Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam