Qudus: Qoraallo farxadda ka hadlaya oo lagu gaday $1.56 milyan

Xigashada Sawirka, AFP
Labo qoraal oo Albert Einstein uu ka qoray aragtidiisa farxad ku noolaanshaha oo lagu soo bandhigay guri wax lagu xaraasho oo Qudus ku yaala ayaa lagu iibsaday 1.56 milyan oo doolar.
Einstein ayaa qoraaladan siiyay qof u adeegay sannadku markuu ahaa 1922, badalkii uu lacag baqshiish ah ka siin lahaa.
Markaas ayuu maqlay in uu ku guulaystay abaalmarin, adeegihiina wuxuu u sheegay in haddii uu nasiib leeyahay ay qoraalladan qiimo yeelan doonaan.
Fiisigisyahankan reer Jermal ayaa ku guulaystay abaalmarinta Nobel-ka wuxuuna Japan u joogay socdaal uu khudbado ku jeedinayay.
Markii uu qolka ugu soo galay adeegihii alaabta u waday ma uusan haysanin wax lacag ah oo uu baqshiis ahaan u siiyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taas baddakeedana wuxuu siisay qoraal uu u sixiixay isaga oo waxa uu qoraalka u adeegsaday ka qaatay huteelka Imperial Hotel ee Tokyo ku yaalla, hal eray oo ka mid ahna wuxuu ku qoray af Jermal. " Nolol dagan oo aan isla wayni lahayn ayaa ka farxad badan in farxadda laga raadiyo xaqiijinta hadafyada ama guulaha lagu gaaro nasasho la'aanta joogtada ah.
Qoraalka labaad oo uu isku mar qoray ayaa u dhignaa sidan sahlan "haddii rabitaan jiro jid waa la helaa" waxaana lagu iibsaday 240,000 oo doolar, sida uu faafiyay aqalkii lagu xaraashay.
Qiimaha lagu gaday qoraalladan ayaa aad uga badnaa kuwii markii hore la saadaaliyay sida ay sheegeen qoladii xaraashaysay.
Waxay sheegeen in mid ka mid ah dadka qoraalka gatay in uu yahay ruux reer Yurub ah oo raba in aan magaciisa la shaacinin.
Qofka gadayay ayaa la sheegay in uu ka mid yahay xigtada ninkii u adeegay Albert Einstein.

Talooyinkii Albert iyo tusaalooyinkii kale ee caanka noqday
Dhibaatooyinkeena kuma xallin karno fikirkii aan qabnay markaan abuuraynay
Garashada dhabta ah ma aha aqoonta ee waa fikirka
Markaad gabadh quruxsan la haasaawayso halkii saac ilbiqrsi buu u ekaadaa, haddaadse dhagax kulul salka saarto halkii ilbiriqsi hal saac buu kula noqdaa.
(xigasho: The Yale Book of Quotations/BrainyQuote)











