You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Suuriya: Duulaan kama dambays ah oo lagu qaaday magaalada Raqqa
Xoogaga ka dagaalamaya magaalada Raqqa ee mareykanku taageerayo ayaa sheegey in ay duulaankii u danbeeyey ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamka ee ku sugan magaaladaas.
Xalay ayey qaar ka mid ah dagaalyahanada Daacish magaalada kaga baxeen heshiis ay odayaasha magaaladu ka shaqeeyeen.
Laakiin tiro aan badneyd ayaa magaalada dhexdeeda ku hadhay, kooxaha soo duulayna waxay sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay magaalada ka sifeynayaan dagaalyahanada diidey in ay is dhiibaan.
Magaalada Raqqa ayaa ahayd caasimada dowladii ay daacish dooneysey in ay dhisto, marka magaalada laga wada saarana waxay ku noqoneysaa dhirbaaxo weyn oo ku dhacdey kooxdaasi.