You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muqdisho oo ay murugo ka jirto
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa waxa ay burburka dhismooyinka hoostooda ka baadi goobayaan inay jirto cid ka badbaadday qaraxii lixaadka lahaa ee shalay ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.
Tobannaan maydad ah oo la kala garan waayay cidda ay yihiin ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Maydadkan ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, uu qaraxu ku qabsaday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Waxaa isbitaalka buux dhaafiyay ehelada dad ay maqan yihiin xubno ka tirsan qoysaskooda, kuwaas oo ku wareersan maydadka badan ee yaal isbitaal Madiina.
Sidoo kale waxaa la la'yahay dad badan oo nolol ama geeri aan midna lagu tirin.
Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxa ay haatan cagagaynayan laba boqol oo qof oo ay ku jiraan qaar uu dhawacoodu culus yahay.
Waddooyinka soo gala isgoyska Zoobe iyo aaggaga ku dhaw ayaa xiran, halkaas oo ah halbowlaha magaalada.