You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Todobaadkan iyo sawirrada Afrika
Caruurta Soomaalida ee Muqdisho ayaa Jimcihii aada badda si ay u soo damaashaadaan. Badankooda waxay tagaan xeebaha ku dhow degmada Xamarwayne.
Ka dib markii gaari siday gaas uu ku qarxay caasimadda Ghana ee Accra, musiibo ballaaran oo tan ka mid tahay ayaa ka dhalatay.
Labo ka mid ah dad xirnaa dharka dhaqanka ee dalka Ivory Coast oo ka qeybgalay bandhigga dharka ee Afrika oo lagu qabtay Abidjan.
Dumarka taageerayaasha ahaa ee daawanayay ciyaartii Masar ay ugu soo baxday tartanka Koobka Adduunka. Ciyaartaa oo ku dhammaatay 2-1, waxay Masar ugu dhigantahay in sanado badan ka dib u soo baxdo tartanka Ruushka lagu qabanayo 2018-ka.
Sidoo kale nin taageersanaa kooxda Masar oo calanka dalkiisa wejiga ku sameystay
Sidoo kale nin taageersanaa kooxda Masar oo calanka dalkiisa wejiga ku sameystay wuxuuna eegayaa shaashadda TV si uu u arko goolkii ay ku badisay Masar.
Maalin ka dib markii codeynta ay dhammaatay, waxaa billaabatay tirinta, George Weah ayaana hoggaaminaya natiijada hordhaca ah
Booliska rabshada ka hortaga ee Kenya oo hortaagan dibadbaxayaasha taageersan mucaaradka NASA. Dibadbaxan ayaa Arbacadii ka dhacay Nairobi.
Sidoo kale taageerayaasha Kenyatta ayaa la kala ceyriyay.
Sawirradan waxaa leh AFP, EPA, iyo Reuters