Iceland oo noqotay dalka ugu yar ee Koobka Adduunka u soo baxa

Ciyaartoyda Iceland oo dabaaldagaya markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Kosovo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda Iceland oo dabaaldagaya markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Kosovo

Iceland ayaa noqday qaranka oogu yar ee u soo baxa Koobka Adduunka, ka dib markii ay ka badisay dalka Kosovo.

Kaalinta koobaad ayay u gashay xulalkii kale ee ay isku horrinta ahaayeen una tartamayeen u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee 2018ka lagu qabanayo Ruushka.

Koobkii Qarammada Qaaradda Yurub ayay ka gaareen kaalinta siddeedaad, waxayna wareegii 16ka ku reebeen England.

Bulshada dalkaas oo dhan ku nool waxaa lagu qiyaasaa 335,000.

Waxay noqdeen dalka kali ah ee dadkiisu hal milyan ka hooseeyo ee abid u soo baxa Koobka Adduunka.

Iceland waxay ka sare martay Croatia iyo Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iceland waxay ka sare martay Croatia iyo Turkiga

Gylfi Sigurdsson oo naadiga Everton u dheela iyo Johann Gudmundsson oo reer Burnley ah ayaa u dhaliyay goolashii ay Isniintii ku badiyeen.

Xulka Iceland ayaa badiyay toddobo ciyaarood oo ka mid ah 10kii kulan ee Koobka Adduunka loogu soo baxayay kuwaas oo ay la yeesheen kooxaha ay ku wada jiraan horinta I.

Taageerayaasha Iceland ee aan helin tikitka ciyaarta ayaa geedo fuulay si ay uga daawadaan ciyaarta dulduleelada shabaqa ku wareegsan garoonka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Iceland ee aan helin tikitka ciyaarta ayaa geedo fuulay si ay uga daawadaan ciyaarta dulduleelada shabaqa ku wareegsan garoonka
Kumannaan taageereyaal ah oo damaashaadaya ayaa isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Reykjavik

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kumannaan taageereyaal ah oo damaashaadaya ayaa isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Reykjavik