Suuriya oo noolaysay rajadeedii Koobka Adduunka

Gooshii furitaanka ee Maxamed ayay ciyaartoyda Suuriya aad ugu damaashaadeen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gooshii furitaanka ee Maxamed ayay ciyaartoyda Suuriya aad ugu damaashaadeen

Xulka kubadda cagta Suuriya ayaa boos ka ciriirsaday kooxaha la isku celinayo si uu midkood ugu soo booxo Koobka Adduunka ee sannadka 2018ka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen dalka Iiraan, ciyaartaasna waxay ka dhacday magaalada Tehran.

Xulkii martida ahaa ayaa goosha si layaab leh la hor maray ka dib markii uu gool dhaliyay Haj Mohamad, taas oo ahayd gooshii koobaad ee laga dhaliyo goolhayaha Iiraan Carlos Queiroz, toban ciyaarood oo ka tirsanaa is reebreebka Koobka Adduunka

Sardar Azmoun ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta goosha barbaraha u dhaliyay, ka dibna gool kale ayuu sii raaciyay.

Intaas wixii ka dambeeyay Suuriya waxay u muuqatay in ay u dhamaatay, laakiin Omar Al Somah ayaa goosha barbaraha u dhaliyay Suuriya, iyadoo lagu guda jiro daqiiqadihii u dambaysay ee ciyaaraha.

Barbarihii gool la'aaanta aahaa ee ay galeen South Korea iyo Uzbekistan ayaa u saamaxday in ay kaalinta labaad ka galan kooxihii ay ku wada jireen hormada xarafka A.

Taas waxay ka dhigan tahay in Suuriya ay ciyaar la yeelan doonto Australia bisha Oktoobar.