You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo ku sii qulqulaya Kismaayo
Madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa ku sii qulqulaya magaalada kismaayo, oo lagu wado in uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda maamul goboleedyada.
Madaxwaynayaasha maamulada Hirshabeelle,Mudane Max'ed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxay durbaba soo gaareen Kismaayo, waxaana soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka Jubaland oo ay marti u yihiin.
Waxaa magaalada Kismaayo hore ugu sii sugnaa wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ajandaha shirkan ayaa haddana waxaa lagu xardhay hoolka lagu wado in uu shirka ka furmo sawirada madaxda maamul goboleedyada oo uu ka sareeyo sawirka madwaynaha dowlada fedaraalka.
Dowladda fedraalka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin in madaxdooda ay ka qaybgalayaan iyo in kale.