Madaxweynaha haya shaqada ugu adag adduunka

Ashraf Ghani madaxweynaha Afghanistan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ashraf Ghani madaxweynaha Afghanistan

Madaxweyne Ashraf Ghani ee dalka Afghanistan ayaa qirsan in uu hayo shaqada ugu adag dunida, wuxuuna waraysi gaar ah siiyay BBC-da.

Waana dhab oo Afghanistan kuma yara arrimaha waaweyn ee caqabadda ah, tan ugu weyna waa amniga. Dalkan wuxuu dagaal ku jiraa muddo 16 sano ah.

Madaxweyne Ashraf wuxuu qabaa in ciidammada NATO ee halkaas ku sugan ay dalkiisa uga baxaan muddo 4 sano gudahood ah.

Illaa 14,000 ciidammo oo NATO ka socda ayaa wali ku sugan Afghanistan, waxaana meelo badan oo Afghanistan ka mid ah la wareegay militariga dalkaas.

"Waxaa nahay sidii ilmo 12 jir ah oo qaaday mas'uuliyadda qof 30 jir ah, balse waan koreynaa, dhanka maamulka iyo hoggaanka, wax badan ayaa inoo hagaagay" ayuu yiri madaxweyne Ashraf Ghani.

Mar wax laga weeydiiyay xarakada Taliban ee hubeysan ayuu sheegay in ay leeyihiin labo qorshe oo waaweyn. Tan koowaad waa in ay dowladda ridaan, tan labaadna waa in ay abuuraan labo nidaam oo siyaasi ah oo iyaga ay maamulaan.

"Labada qorshaba si xun ayay ugu guuldaraysteen" ayuu yiri Ghani.

Taas in ay run tahay iyo in kale waa arrin u baahan in laga doodo. Sida ka muuqata xog ay soo bandhigeen ciidammada Maraykanka, ciidammada Afghanistan waxay maamulaan saddex meelood meel ka mid ah dalka.

Inta soo hartay waxa ay isugu jiraan meel ay maamulaan Taliban ama meelo ay ku hardamayaan Taliban iyo kooxo kale.

Ciidammada Afghanista ayaa la wareegay meelo badan oo dalkaas ka mid ah

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ciidammada Afghanista ayaa la wareegay meelo badan oo dalkaas ka mid ah

Waxaa intaas dheer, sanadkii hore waxaa la diley illaa 7,000 oo ciidammada Afghanistan ah, halka la dhaawacay 12,000 oo kale, iyada oo kumanaan kalana ay shaqada ka baxsadeen.

Mid ka mid ah sababaha kalsoonida ku beeraya madaxweynaha Afghanistan ee guusha u keeni kara waxay tahay in uu rumeysanyahay in dowladdaha reer galbeedka aysan fahmi karin nooca dagaal ee ka jira dalkiisa.

Wuxuu qabaa in dowladiisa aysan ku jirin dagaal sokeeye, balse ay halgan kula jirto kooxo daroogada ka ganacsata; "Taliban waa kooxda adduunka ugu weyn ee dhoofisa daroogada Heroin-ka loo yaqaano" ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu qabaa in heshiis lala gaaro Taliban uu horseedi karo xal waara oo lagu soo dabaalo dalka Afghanistan.

"Ujeedada oo dhan waa in la abuuro jawi lagu gaari karo xal siyaasadeed, xalkaas oo ay tahay in laga gorgortamo. Waa muhiim in dadka la siiyo fursad ay ku noolaadaan, meel aan ku neefsano ayaa na loo diiday 40-kii sano ee lasoo dhaafay, dadkeena waa kuwo dulqaad badan" ayuu yiri madaxweyne Ashraf.

Ashraf ayaa ammaan badan u haya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo bishii hore shaaciyay in ciidamada Maraykanka ay sii joogi doonaan Afghanistan.

Madaxweyne Ashraf ayaa qaba in ciidammada NATO ay ku baxaan muddo 4 sano gudahood ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ashraf ayaa qaba in ciidammada NATO ay ku baxaan muddo 4 sano gudahood ah

Ashraf Ghani wuxuu ka hadlay dadaallada loogu jiro in la ciribtiro musuqmaasuqa iyada oo aanan loo eegeynin qofka ku kacay musuqa midka uu yahay.

"Jeneraal saddex xidig leh oo aan dhawaan dalacsiiyay ayaa xabsiga ku jira, sababtoo ah waxaa lasoo cadeeyay in uu iibsaday shidaal ciidammada loogu talagalay, waxaa kale oo xabsiga ku jira mid ka mid ah dadka ugu taajirsan dalka oo ay dadka moodayeen in aanan la taaban karin. Waad weeydiin kartaa qof kasta oo ka tirsan garsoorka, waxaan siiyaa taageero buuxda oo siyaasadeed" ayuu yiri Ashraf Ghani.

Laba sano ayaa uga dhiman mudada xilka uu haynayo Ashraf, kamana walwal qabo haddii markale la soo dooran waayo iyo haddii kale.

"Haddii ujeedkaadu yahay doorasho, waligaa ma samayneysid isbadal dhab ah. Isbadalka waa in hadafkaagu noqdaa. Waxa doorasho loo galo waa in aad wax qabatid" ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyay Ashraf Ghani, Madaxweynaha Afghanistan.