You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Seynisyahanno abaalmarinta Nobelka ku heley hirarka cuf-is-jiidadka
Abaalmarinta Nobelka ee 2017-ka, gaar ahaan tan loogu talogalay dadka adduunka wax kusoo kordhiya xagga fiisikiska (physics) ayaa waxaa ku guuleystay saddex seynisyahan oo soo saaray hirarka cuf-is-jiidadka.
Rainer Weiss, Kip Thorne iyo Barry Barish ayaa kala qeybsanaya abaalmarintan oo ku fadhida hal milyan oo doolar.
Markii ugu horeysay hirarka cuf-is-jiidadka ayaa waxaa odorosay seynisyahankii la oran jirey Albert Einstein, balse waxaa kama dambeys soo saaray seddexdan nin oo xubno ka ah bahda sahmiyeyaasha Ligo-Virgo.
Waxay ku biirayaan illaa 204 seynisyahan oo horey abaalmarintan ugu guuleystay tan iyo markii la bilaabay sanadkii 1901-dii.
Hirarka cuf-is-jiidadka ayaa waxa ay qeexayaan natiijada ka dhalata marka walxaha culus ay karaar qaataan.
Tobonaan sano ayay qaadatay in lasoo saaro qalabka lagu cabiro hirarka cuf-is-jiidadka oo ah kuwa xawaarahooda uu la'egyahay kan ileyska oo kale, adagtahayna in la dareemo.
Ogaanshaha cilmigan cusub ayaa waxaa la sheegay in uu adduunka u furayo jihooyin cusub oo cilmi-baaris ah, laguna soo saari karo sancooyin hor leh.
Isaga oo ka hadlayay shir jar'aaid, ayuu Olga Botner oo ka tirsan mac-hadka seeyniska ee boqortooyada Sweden yiri "ogaanshaha hirarka cuf-is-jiidadka waa talaabo weyn oo horey loo qaaday, waxayna nooga dhigantahay daaqad cusub oo noo furantay".
Sheeybaaro ku yaala Maraykanka iyo Yurub ayaa loo dhisay in ay soo saaraan cilmigan cusub.
Maraykanka labo sheeybaar oo meelo aad u kala fog ku yaala ayaa lagu sameeyay tijaabada, laguna ogaaday saamaynta hirarka cuf-is-jiidadka.
Rainer Weiss ayaa sheegay in shaqada ay qabteen illaa kun qof, balse hawsha seddexda seeynisyahan ayaa loo arkay mid udub dhexaad u ah natiijada la gaaray.