Seynisyahanno abaalmarinta Nobelka ku heley hirarka cuf-is-jiidadka

Rainer Weiss, Kip Thorne iyo Barry Barish ayaa kala qeybsanaya abaalmarintan oo ku fadhida hal milyan oo doolar

Xigashada Sawirka, AFP/CALTECH/EPA

Qoraalka sawirka, Rainer Weiss, Kip Thorne iyo Barry Barish ayaa kala qeybsanaya abaalmarintan oo ku fadhida hal milyan oo doolar

Abaalmarinta Nobelka ee 2017-ka, gaar ahaan tan loogu talogalay dadka adduunka wax kusoo kordhiya xagga fiisikiska (physics) ayaa waxaa ku guuleystay saddex seynisyahan oo soo saaray hirarka cuf-is-jiidadka.

Rainer Weiss, Kip Thorne iyo Barry Barish ayaa kala qeybsanaya abaalmarintan oo ku fadhida hal milyan oo doolar.

Markii ugu horeysay hirarka cuf-is-jiidadka ayaa waxaa odorosay seynisyahankii la oran jirey Albert Einstein, balse waxaa kama dambeys soo saaray seddexdan nin oo xubno ka ah bahda sahmiyeyaasha Ligo-Virgo.

Waxay ku biirayaan illaa 204 seynisyahan oo horey abaalmarintan ugu guuleystay tan iyo markii la bilaabay sanadkii 1901-dii.

Hirarka cuf-is-jiidadka ayaa waxa ay qeexayaan natiijada ka dhalata marka walxaha culus ay karaar qaataan.

Tobonaan sano ayay qaadatay in lasoo saaro qalabka lagu cabiro hirarka cuf-is-jiidadka oo ah kuwa xawaarahooda uu la'egyahay kan ileyska oo kale, adagtahayna in la dareemo.

Ogaanshaha cilmigan cusub ayaa waxaa la sheegay in uu adduunka u furayo jihooyin cusub oo cilmi-baaris ah, laguna soo saari karo sancooyin hor leh.

Isaga oo ka hadlayay shir jar'aaid, ayuu Olga Botner oo ka tirsan mac-hadka seeyniska ee boqortooyada Sweden yiri "ogaanshaha hirarka cuf-is-jiidadka waa talaabo weyn oo horey loo qaaday, waxayna nooga dhigantahay daaqad cusub oo noo furantay".

Tusaale kumbuyuutar lagu muujiyay oo ku saabsan hirarka cuf-is-jiidadka

Xigashada Sawirka, S.OSSOKINE/A.BUONANNO (MPI GRAVITATIONAL PHYSICS)

Qoraalka sawirka, Tusaale kumbuyuutar lagu muujiyay oo ku saabsan hirarka cuf-is-jiidadka

Sheeybaaro ku yaala Maraykanka iyo Yurub ayaa loo dhisay in ay soo saaraan cilmigan cusub.

Maraykanka labo sheeybaar oo meelo aad u kala fog ku yaala ayaa lagu sameeyay tijaabada, laguna ogaaday saamaynta hirarka cuf-is-jiidadka.

Rainer Weiss ayaa sheegay in shaqada ay qabteen illaa kun qof, balse hawsha seddexda seeynisyahan ayaa loo arkay mid udub dhexaad u ah natiijada la gaaray.