Dadka Catalan oo 'xaq u helay in ay ka go'aan' Spain

Hogaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, iyo xubno ka mid ah dowladdiisa oo madaxbannaanida shaaciyay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, iyo xubno ka mid ah dowladdiisa oo madaxbannaanida shaaciyay

Hoggaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, ayaa sheegay in gobolkooda uu ku guuleystay in uu xaq u leeyahay in Spain uu ka go'o, ka dib aftidii shalay.

Dowladda Spain ayaa tallaabadaas sharcidarro ku tilmaamtay, waxaana ka dhashay qalalaase.

Hoggaamiyaha wuxuu sheegay in albaabada ay u fureen in labada dhinacba ay ku dhawaaqaan madaxbannaanida Catalonia.

Saraakiisha Catalan ayaa markii dambe sheegay in codbixiyayaasha, boqolkiiba 90, ay go'aansadeen in ay ka madaxbannandaan Spain.

Maxkamdda dastuuriga ee Spain ayaa horey u mamnuucday in la qabto aftida, Booliska oo ka hortagayayna 'waxay dhaaweceen' boqollaal ka mid ah dadkii isu soo baxay.

Ciidamada amniga ayaa isku deyay in ay ka hortagaan in shacabka Catalonia ay codkooda ka dhiibtaan aftida, waxayna isticmaaleen gaaska dadka ka ilmeysiiya.

Waxaa la qabtay warqadaha codeynta iyo sanduuqyo laga helay qaar ka mid ah xarumaha codeynta.

Ra'iisul wasaaraha Spain, Mariano Rajoy, ayaa sheegay in dadka Catalan-ka lagu qalday in ay ka qeybgalaan codeyn sharcidaro ah.

in kabadan 2.2 milyan oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay codeeyeen, sida maamulka Catalonia uu sheegay.

Tirada guud ee codbixiyayaasha ee diiwaangashay waxay gaareysaa 5.3 milyan oo qof.

Afhayeen u hadlay maamulka Catalan ayaa sheegay in inkabadan 750 kun oo cod aan la tirin ka dib markii 'xarumihii codeynta la xiray, dadkiina loo diiday in ay codeeyaan.'

Isku dhacyada sidey ahaayeen?

Muuqaallo laga baahiyay TV-yada Spain ayaa muujinaya booliska oo harraatinaya codbixiyayaal iyo dumar ku sugnaa xarummaha codeynta, si xoogna ahna dadka uga saarayo goobta.

Dumar timaha la jiidayo ayaa sidoo kale la baahiyay, waxaana laga saaray goobihii ay ku codeyn lahaayeen.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee Catalan waxay sheegeen in 844 qof lagu dhaawacay qalalaasaha, ayna ka mid yihiin 33 askeri.

Haweeneydan waxa ay ku dhaawacantay Barcelona

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Haweeneydan waxa ay ku dhaawacantay Barcelona

Intabadan dhaawacyo fudud ayaa gaaray, qaarna waxaa laga daaweeyay xanaaq, cabsi iyo argagax.

Magaalada Girona, booliska rabshadaha ka hortaga ayaa xoog ku galay xarun la filayay in hoggaamiyaha Catalonia, Mr Puigdemont, uu ka codeeyo.

Waxay goobta xoog uga saareen shaqaalaha iyo dadkii codeynayay. Hoggaamiyaha ayaa markii dambe xarun kale codkiisa ka dhiibtay.

Boolis iyo militariga sida booliska u howlgala ayaa loo diray Catalonia si ay uga hortagaan in ay dadka codeeyaan.

Qof shacab ah oo niyadda u dejinaya nin ka mid ah booliska

Xigashada Sawirka, Boris Llona via Twitter

Qoraalka sawirka, Qof shacab ah oo niyadda u dejinaya nin ka mid ah booliska
Grey lines

Maxaa xiga codeynta?

Xiriirka xun ee Spain kala dhexeeya gobolka Catalonia wuxuu ku socdaa meel aan la aqoon.

Ka dib isku dhaca dhexmaray booliska iyo dadka, waxay u muuqataa in ay jirto baahi badan oo loo qabo in lagu dhawaaqo madaxbanaanida Catalonia.

In la carqaladeeyo codeynta, iyo tirada dadka soo baxay waa mid aad ay uga xumaanayaan shacabka gobolka.

Maanta, dowladda Spain waxay la kulmeysaa axsaabta dalka oo ay kala hadlaysaa dhibaatada siyaasadeed ee ugu wayn ee dalkaasi soo wajahdo, muddo tobannaan sano ah.

Grey lines