Codaynta aftida madaxbanaanida Catalonia oo bilaabatay

Dadka codka dhiibanaya oo isu soo baxay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka codka dhiibanaya oo isu soo baxay

Dadka gobolka Catalonia ayaa bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan aftida madaxbanaanida ee Muranka dhalisay.

Aftidan ayaa waxa mamnuucay dowlada Spain iyo maxkamada Dastuurka ee dalkaasi.

Saraakiisha dowlada Catalonia ayaa sheegay in Sanaadiiqda codeynta ay diyaar yihiin ayna filayaan in si wayn loogu soo baxo aftida.

Hasa yeeshee wasaarada arrimaha gudaha Spain ayaa sheegtay in booliiska ay bilaabeen qabqabashada warqadaha codeynta iyo Sanaadiiqda.

Xukuumada Madrid ayaa balanqaaday in ay joojin doonto aftida oo ay maxkamadaha ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Booliiska Spain ayaa lagu amray in ay joojiyaan codeynta aftida madaxbanaanida.

Kolanyo gawaarida ciidamada booliiska ah ayaa ka ruqaansaday saldhig ay ku leeyihiin Dekadda magaalada Barcelona.

Xalay waxa isu soo baxay kumannaan qof oo taageersan aftida kuwaasi oo isugu soo baxay iskuulada lagu wado in loo isticmaalo xarumaha codeynta.