You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hogaamiyaha Myanmar: Kama 'baqayo' dhaliisha dunida
Hogaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay "in aysan ka baqaynin cambaaraynta caalamiga ah" ee ku aadan sida dawladdeedu u maaraysay dhibaatada ka sii daraysa ee Rohingya.
Waa markii koobaad ee ay ka hadasho xaaladda ka taagan waqooyiga gobolka Rakhine ee horseeday in in kabadan 400,000 oo ruux oo qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ay u tallaabaan xadka Bangladesh.
Waxay sheegtay in ay doonayso in ay Muslimiinta la hadasho oo ay waydiiso sababta ay u tagayaan.
Bulshada caalamka ayaa aad u dhaliishay hogaamiyaha Myanmar, Suu Kyi
Rabshadahan u dambeeyay waxaa kiciyay weerar hubaysan oo lagu qaaday booliis bishii Agoosto, kaas oo lagu eedeeyay malayshiyo ka tirsan qawmiyadda Rohingya.
Hawlgalladii ammaanka ee jawaabta looga dhigay arrintaa ayay Qarammada Midoobay ku tilmaantay isir sifayn.