'Kurdiyiinta Ciraaq oo isu diyaariyay in ay xad u gaar ah samaystaan'

Massoud Barzani

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Massoud Barzani

Madaxweynahaha Kurdiyiinta Ciraaq ayaa bidhaamiyay in ay astayn doonaan xudduudda mustaqbalka ee dawladda Kurdiyiintu ay yeelan doonto haddii Xukuumadda dhexe ay aqbaliwaydo aftida xorriyadda ee lagu wado in ay dhacdo bisha soo socota dhammaadkeeda.

Massoud Barzani ayaa BBC-da u sheegay in uu doonayo in uu heshiis la gaaro dawladda dhexe haddii Kurdiyiintu ay u codeeyaan in ay ka go'aan Ciraaq inteeda kale.

Ra'iisalwasaaraha Ciraaq ayaaa diiday aftida isaga oo ku tilmaamay mid aan dastuurka dalka wafaaqsanayn.

Barzani ayaa sidoo kale ka digay in Kurdiyiintu ay la dagaalami doonaan cidkasta oo isku dayda in ay xoog ku badasho xaqiiqada taalla Kirkuk.

Xoogagga Kurdiyiinta ee Peshmerga ayaa la wareegay maamulka magaalada shidaalka qaniga ku ah, taas oo ay ku wada nool yihiin bulsho badan oo Carab iyo Kurdiyiin isugu jira iyo waliba goobo kale oo xukuummada dhexe ay sheegatay saddexdii sano ee la soo dhaafay, ka dib markii ay ka xoraysay kooxaha jihaad doonka ah.

Malayshiyada Shiicada ah ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in magaalada Kirkuk ay ka mid noqoto Kurdistan xor ah.

Kirkuk

Xigashada Sawirka, Reuters

Kurdiyiinta ayaa ah qawmiyadda afraad ee ugu badan Bariga Dhexe, laakiin waligood ma aysan helin dawlad ay u madaxbannaan yihiin.

Ciraaq oo ay ku nool yihiin 37 milyan oo ruux ayay ka yihiin 15% ilaa 20%, Kurdiyiintuna waxay sannado badan caddaadis kala kulmeen dawladdihii ay Carabtu hogaamin jirtay ka hor intii aysan ismaamulka samaysanin dagaalkii gacanka ee sannadkii 1991dii.

Saddex billood ka hor ayay masuuliyiinta sare iyo xisbiyada siyaasadda maamul goboleedka Kurdiyiintu ku heshiiyeen in la qabto afti.