Cudurka Daacuunka oo fara ba'an ku haya dalka Congo

Xigashada Sawirka, .
Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa walaac ka muujisay baaxada cudurka daacuunka ee dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.
Hay'ada ayaa sheegtay in cudurka Daacuunka Congo uu gaaray heer aad u xun.
528 qof ayaa cudurka Daacuunka ugu dhimatay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo sanadkan aanu ku guda jirno.
Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in dalkaasi laga soo sheegay 24,000 oo kiis oo ah cudurka Daacuunka.
Hay'ada ayaa intaa ku dartay in Daacuunka uu saameeyay 20 gobol oo ka mid ah 26 gobol ee uu dalkaasi Congo ka kooban yahay.
Goobaha uu cudurka Daacuunka saameeyay ayaa waxaa ka mid ah caasimada,Kinshasa.






