Kharashka soo kabashada Texas waxaa laga yaabaa in uu gaaro $180 bilyan

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa loo ogolaaday in ay dib ugu laabtaab guryahooda.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa loo ogolaaday in ay dib ugu laabtaab guryahooda.

Badhasaabka gobolka Texas, Greg Abbott ayaa sheegay in kharashka ku kacaya dib u dhiska burburkii ka dhashay duufaantii Hurricane Harvey uu gaari karo 180 bilyan oo doolar.

Wuxuu sheegay in waxyeeladu ay ka darran tahay middii Hurricane Katrina ee sannadkii 2005tii ku dhufatay magaalada New Orleans.

Dhanka kalana, madaxa hay'adda maamusha masiibooyinka ayaa ka digtay in gobollada ay saameeyeen daadadku ku tiirsanaanin kharashaadka faderaalka oo kali ah.

Brock Long ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay digniin u tahay sarakiisha deegaanka.

Hawlaha dib u soo kabashada ayaa ka socota Texas oo dhan iyo Louisiana, oo ay daris yihiin, inkastoo ay jiraan goobo badan oo wali la daalaadhacaya biyihii daadadka.

Meelo badan oo ka tirsan Houston ayay biyihii daadku wali fadhiyaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meelo badan oo ka tirsan Houston ayay biyihii daadku wali fadhiyaan

Dufaanta daadadka wadata ayaa toddobaad ka hor ku dhuftay gobolka waxaana lagu eedeeyay in ay galaafatay nolosha 47 ruux. Dad lagu qiyaasay 43,000 ayaa hoy looga sameeyay meelo ku meelgaar ah.

Dawladda Maraykanka ayaa haddaba waydiisay aqalka Congress-ka Maraykanka $7.85bn si loogu kabo hawlaha dib u soo kabashada, arrintaas oo Abbott uu sheegay in uusan ku "faraxsanayn".