San Antonio: Siddeed qof oo ku dhintay gudaha gaari xamuul

Xigashada Sawirka, WAAXDA BOOLIISKA SAN ANTONIO
Meydka Siddeed qof ayaa laga helay gaari kuwa xamuulka ah oo lagu baakimay bannaanka bakhaarka Walmart ee magaalada San Antonio, gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegayaan.
Labaatan kale ayaa la sheegay in xaaladdoodu ay halis tahay, ayna ku jiraan kuwo la aaminsan yahay in harraad iyo wadno garaac ay u dhimman agareen, waxaana loo qaaday isbitaalka.
Booliisku ma aysan sheegin halka uu gaarigu ka yimid, balse waxay xaqiijiyeen in darawalka gacanta lagu hayo.

Xigashada Sawirka, EVN
Waxay baaritaan ku sameynayaan in gaarigu uu ku lug lahaa tahriibinta dadka. Laanta socdaalka ee Mareykanka ayaana baaritaan ku haysa xaaladda dhibbanayaasha.
Madaxa booliiska San Antonio Police William McManus ayaa sheegaya in meydadka la helay kaddib markii uu la soo hadlay shaqaale bakhaarka ka tirsan, oo uu u yimid qof gaariga la socday oo biyo weydiistay.






