You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidamada Suuriya: Waxaan qabsannay degmo taariikhi ah
Xoogagga dimoqraaddiga ee Suuriya ee kula dagaallamaya kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ah magaalada ay ku xooggan yihin ee Raqqa, ayaa sheegaya inay qabsadeen degmaadii ugu dambeysay ee taariikhi ah.
Hase yeeshe, isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee taageera ciidamada Suuriya, kuwa Kurdiyiinta iyo dagaal yahannada Carabta ayaa iyagana dhankooda sheegay inaysan xaqiijin karin in magaalada qaddiimiga ah laga saaray kooxda ISIS.
Dhanka kale kooxaha indhaindheeya dagaalka Suuriya ayaa dhankooda sheegay in 90% ay ciidamadu la wareegeen magaalada balse aysan weli qumaati ula wareegin.
Isku soo wada duub, waxay u ektahay in Daacish ay 40% maamusho magaalada Raqqa oo ay ka mid tahay halka ay ku xooggan yihin ee bartamaha magaalada.