Tuhmanayaashii weerarkii Barcelona oo la maxkamadaynayo

Afar nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox ka dambaysay weerarkii ka dhacay gudaha iyo hareeraha Barcelona ayaa la hor keenay maxkamadda sare ee Madrid.

Xaakim ayaa su'aalo weydiiyey, isagoo go'aan ka gaari doona eedeymaha lagu oogi doono ee la xiriira weerarkii gaariga loo adeegsaday ee 15ka qof ay ku dhinteen in ka badan 100na ay ku dhaawacmeen.

8 xubnood oo la sheegay inay kooxda ka tirsan yihiin ayaa dhintay - 2 waxay ku dhinteen qarax, 6na booliska ayaa toogtay.

Tuhmanihii ugu dambeeyey ayaa lagu dilay beer canabku ka baxo oo ku taalla galbeedka Barcelona Isniintii.

Tuhmanayaasha welii nool ayaa Talaadada loo kaxeeyey Madrid, ayada oo amnigana aad loo adkeeyey.

Xaakimka baaritaanka wada, Fernando Andreu, ayaa la filayaa inuu u akhriyo eedaha loo haysto, kuwaasoo ay u badan tahay inay noqdaan argagixisonimo, dil, iyo haysasho hub.

Qofka ugu horreeya ee la soo taagay maxkamadda ayaa ahaa Mohamed Houli Chemlal,oo ku jiray qarax ka dhacay Alcanar oo ku taalla koofurta Barcelona, ka hor habeenkii uu dhacay weerarkii Las Ramblas ee Barcelona.

Wuxuu u sheegay xaakimka in kooxdu ay qorshaynaysay weerar intaas ka ballaaran.

Ilo dhinaca sharciga ah ayaa oo soo xiganayey Mohamed Houli Chemlal waxay sheegeen in kooxdu ay damacsanayd inay qarxiyaan kaniisad iyo bartilmaameedyo kale.

Wuxuu qabay dharka loo xiro bukaannada isbitaallada, welina dhaawacyo ayaa laga daweynayaa.

Labo tuhmane oo kale ayaa qaraxa ku dhintay, waxaana ku jiray iimaam u dhashay Marooko oo la yiraahdo Abdelbaki Es Satty kaasoo la rumaysan yahay inuu duufsaday tuhmaneyaasha.

Booliska ayaa goor dambe goobta ka helay kayd ay ku jireen 120 gasac oo gaas ah, laakinse waxaa la rumaysan yahay in qaraxa uu keenay in kooxdu ay wax ka beddesho qorshihii weerarka.

Tuhmaneyaasha kale ee maxkamadda la saarayo ayaa kala ah:

-Driss Oukabir oo 28 jir ah

-Mohammed Aalla, oo 27 jir ah

-Sahal al-Karib, oo 34 jir ah

Xaakimka ayaa go'aan ka gaari doona in xabsiga lagu sii hayo tuhmaneyaasha oo loo diido in damaanad lagu sii daayo sida uu dacwad ooguhu dalbanayo.

Tuhmaneyaasha badankood waxay ku noolaayeen magaalada Ripoll ee ku taalla waqooyiga Barcelona, una dhow xudduudda Faransiiska. Dhamaantood waa rag dhallinyaro ah oo ka soo jeeda waqooyiga Afrika.